Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia iyo Mareykanka oo maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya $92 Milyan

Recommended Posts

Deeq A.   
370905521_760955172737758_90659599492349

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku saxiixday mashruuc horumarineed oo lagu taageerayo dowladda federaalka.

Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka ayaa heshiiskan u saxiixay dowladda federaalka Soomaaliya, halka Mareykanka uu usaxiixay ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ku kacaya $92.6 Milyan, kaasi oo qeyb ka ah taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, si gaar ah waxay wax badan ka tari doontaan adeegyada aas-aasiga ah ee deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Beene-Beene oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda saxiixa ayaa sheegay in mashruucan uu yahay wejigiisa labaad, ayada oo sanadkii hore 78 Milyan loogu deeqay Soomaaliya.

“Waa fursad aad iyo aad u fiican, waa fursadii labaad ee wax ka saxiixno, sanadkii hore 78 Milyan ayaa lagu caawiyay dowladda Soomaaliya, ayada oo u isticmaalaysay barnaamijyadii lagu taageerayay dadkeena Soomaaliyeed waxaana aad iyo aad looga caawiyay arrimaha abaaraha iyo taakuleynta u baahnayeen,” ayuu yiri Wasiir Beene-Beene.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaas waxay qiimo weyn ugu fadhisaa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, dowladda Mareykanka oo ku-simaha safiirka halkaan nala fadhiyo aad ugu mahad-celinaynaa, qaasatan USAID howlaha ay Soomaaliya ka wadana waa u mahadcelineynaa oo markasta waxay kor usii qaadeysa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.”

Lacagtaan ayaa qorshuhu yahay in dhulka laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga iyo qorshaha xasillinta ee deegaanadaasi, si ay horay uga sii socdaan ciidamada huwanta ee la-dagaalamaya Al-Shabaab.

Heshiiskaan deeqda ah ayaa waxa uu ka turjumayaa iskaashiga qotada dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliya, kaasi oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada iyo awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah waxay dowladda federaalka ay barbar waday qorshaha xasilinta iyo isku-duwida arrimaha gargaarka.

Qorshahaan ayaa dowladda ku waday dardar horleh, si deegaanadaasi loo gaarsiiyo adeegyada muhiimka iyo gargaar bini’aadannimo kadib sanado badan oo ay ku jireen gacanta kooxda Al-Shabaab.

Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

370905521_760955172737758_90659599492349

371767951_760955179404424_86287423180867

371878493_760955149404427_70740429134828

371027061_760955176071091_43521778700891

The post DF Somalia iyo Mareykanka oo maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya $92 Milyan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this