Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
372857985_847671633389585_25115504880514

Laascaanood (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii hore gaaray deegaanka Gambadhe, halkaasi oo uu uga sii gudbay magaalada Laascaanood.

Mudane Karaash iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada si diiran ugu soo dhaweeyey dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada Laacaanood iyo hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo.

Madaxweyne ku-xigeenku ayaa la filayaa inuu u kuur-galo xaaladda nooleed ee shacabka ku dhaqan gobolka Sool oo dhawaan laga saaray ciidamada Somaliland iyo maxaabiista lagu soo qabtay dagaalkii Jimcihii lagu jabiyay ciidamada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona hoggaanka maamulka SCC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka magaalada iyo qaar ka mid ah bulshada magaalada Laascaanood.

Socdaalka Karaash ayaa imanaya kaddib markii Somaliland laga saaray magaalada, ka gadaal markii Laascaanood ay ka dhaceen dagaalo socday in ka badan toddoba bilood, kaasi oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa markii u horreysay qiratay jabkii Jimcihii kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland.

Muuse Biixi oo ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii gaaray, islamarkaana ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qabashada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland ayaa horay waxay u sheegi jireen inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxu hoggaankeeda ku dhawaaqay aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii.

The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this