Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dib uga baxay degaano ka tirsan Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693296386146.jpg?resize=659%2C39

Ciidanka dowladda soomaaliya ee dhawaan la wareegay degmooyinka Wabxo, Ceeldheer, Galcad ilaa Cowsweyne ayaa lasoo warinayaa in ay dib uga soo baxeen degaanadaasi.

Lama oga sababata keentay in ciidanaka ay deegaankaas ka baxaan, dowladda soomaaliyana weli kama aysan hadlin.

Wabxo ayaa leh istaraatijiyad muhiim ah, waana waddada loo sii maro degmada Ceel buur oo jimcihii ay ciidamada dowladdu la wareegeen.

Xogta ayaa intaas ku daraysa iney isa soo tarayaan wali tirada ciidamada Gor-gor ee soo baneenaya furimaha dagaalka, iyagoo si gaar ah u sheegaya iney tabanayaan isla xisaabtan la’aanta saraakiisha.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayay dhuusamareeb ayaa tilmaamay in dagaalka ka socda deegaanada Galmudug uu yahay mid gaabis ku bilaawday, islamarkaana xusay in howlgalka sida uu u socdo iyo sida looga hadlaayo aysan ahayn wax isku dhigma.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dib uga baxay degaano ka tirsan Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this