Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya $92.6 Milyan oo Dollar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693299261024.jpg?resize=719%2C48

Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Mareykanka la saxiixatay Heshiis Horumarineed oo gaaraya $92.6 Milyan kana turjumaya iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya.

Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka ayaa dowladda Soomaaliya u saxiixay Heshiiskaan halka dowladda Mareykanka uu u saxiixay Sii hayaha xilka safiirka dowladda waddankaas.

Heshiiskaan deeqda ah wuxuu ka turjumayaa iskaashiga qotada dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliva kaas oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada, awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhallinyarada.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya $92.6 Milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this