Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin ku saabsan dil ka dhacay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   
afgooye.jpg?fit=730%2C548&ssl=1

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil nin oday ahaa loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilkan oo ka dhacay xaafada Fayuuma ee degmada Afgooye, ayaa waxay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay dileen Cabaas Osman Abshirow oo kamid ahaa dadka ku nool degmadaasi.

Cabaas Abshirow ayaa waxa la sheegay inuu ahaa nin ku shaqeysan jiray gawaarida nooca raaxada ah ee loo yaqaano Taxi, ilaa iyo haddana lama oga sababta loo dilay ninkaan odayga ah iyo cidda ka dambeeysay dilkiisa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amniga degmada Afgooye ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay.

Ciidamada ayaa halkaas ka sameeyay howl-gallo baaritaano ah, wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dableydii ka dambeeyay dilka ninka odayga ah, inkasta oo ay sheegeen inay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan sidii lagu soo qaban lahaa dambiilayaasha, oo ayagu markiiba iskaga baxsaday goobta.

Si kastaba, Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geysto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya maamulka, waxaana inta badan baxsada oo la soo qaban ragga fuliya dilalkaasi qorsheysan.

The post Faah-faahin ku saabsan dil ka dhacay degmada Afgooye appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this