General Duke Posted October 31, 2004 Lascaanod: Ciidamadii Daacada u ahaa Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga ee Maamulka Riyaale oo ku soo Biiray Ciidamada Daraawiishta Puntland - Sunday, October 31, 2004 at 14:19 Lascaanod, 30.10.04 - Waxaa saakay soo gaadhay magaalada Xudun ee gobolka Sool ciidamo beeleed u daacada ahaa wasiirka hormarinta reer miyiga ee maamulka Riyaale Fuad Adan cade kuwaas oo ku soo biiray ciidamada mujaahidiinta ah ee Daraawiishta Puntland si ay uga qayb qaataan difaaca dalkooda . Ciidamadan oo wata noocyada kala duwan ee hubka oo ay kala soo baxsadeen maleeshiyada Riyaale ayaa ay ku sheegeen sababta ay u soo baxsadeen ka dib markii ay ka war heleen in uu duulaanka gobolka Sool lagu soo qaaday yahay mid ku saleeysan xaga qabiilka si awadeedna waxaa ay goaansadeen in ay kala qayb qaataan tolkoda difaaca dalka . Ciidamada oo ay hogaaminayaan laba sarkaal ayaa wararku shegayaan in si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Xudun oo ay joogeen guutooyin ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland waxaana ay ku wareejiyeen gawaadhidoodii iyo hubkiiba ciidamada daraawiishta . Ciidamadan oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso ilaa 70 askari ayaa ahaa ciidan beeleed uu watay wasiirka hormarinta reer miyiga ee maamulka Riyaale kuwaas oo uu sameeyey ka dib markii magaalada Laascaanood laga saaray wasiirka dabayaaqadii sanakii hore. Ciidanku waxaa uu fadhiisin u aha atuulada Oog halkaas oo ay shalay ka soo ambabaxeen iyada lagu war geliyay in aysan jiida uu dagaalka ka socda shalay aysan soo aadan taasina ay shaki ku abuurtay ciidamada ugu danbeytiina goaansaday in ay ka soo wareegan maadaama uu dagaalku yahay mid ahli ah oo ka baxay siyaasad iyo maamulba. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa sheegaya in ay bilaabeen shacabka magaalooyinkaas iyo weliba maamulka Riyaale caga jugleyn iyo cabsigelin lagu hayo shaqsiyaad ka so jeeda beelaha gobolada SSC oo ku sugan halkaasi. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in ilaa haatan xabsiga dhexe ee magaalada hargeeysa loo taxaabay ilaa 40 oo rayid ah oo aan waxba galabsan . Dhinaca magaalada Laascaanood waxaa maanta qoraal canbaareyn ah soo saaray qaar ka mid ah ardayada gobolka Sool oo ku socda maamulka Riyaale . Baaqa ayaa waxa aay ardaydu ka soo saareen xariga iyo afduubka loo geystay arday iyagu ku sugnaa degaanka Adhicadeeye oo ay shalay qafaasheen maaulka Riyaale iyaga oo ku tilmaamay in ay yihin ciidamada Daraawiishta . Baaq ayaa ay ardydu ku sheegeen in aysan ahayn markii u horeysay oo uu maamulka Riyaale uu xidhxidho arday ayada oo ay u danbeeysay gabadha 16 jirka ah ee Hargeysa lagu hayo oo weliba jir dil iyo kufsiba lagula kacay. Xigasho: Radiolaascaanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites