Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyay degaanka Gambadhe ee Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693288610690.jpg?resize=720%2C33

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta safar ugu baxay Gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah u amba-baxay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan degaannada Gobolka Sool.

Mudane Axmed Karaash ayaa lagu soo dhaweeyay degaanka Gambadhe halkaas oo uu uga sii gudbay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenku u kuur-galayo xaaladda nooleed ee shacabka ku dhaqan Gobolka Sool oo dhawaan laga saaray Ciidamada Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyay degaanka Gambadhe ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this