Sign in to follow this  
Deeq A.

ISF oo kaalmo lacageed soo gaarsiisay DF, una sameeysay ballan-qaad horleh

Recommended Posts

Deeq A.   
370678575_287425220764697_55483701561114

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (ISF) ayaa kaalmo dhaqaale oo cusub ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo shalay lasoo gaarsiiyay hay’adda maaraynta musiiboyinka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Soomalia u fadhiya ururka iskaashiga Islaamka H.E. Ambassador, Mohamed Bamba M.Boba.

Ujeedka kulanka ayaa wuxuu ahaa in uu guddoonsiiyo aafiirka hay’adda SODMA kaalmo lacageed oo dhan $50,000 oo doollar, taasi oo qeyb ka ah ballan-qaad horleh ISF u sameeysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay SODMA ayaa lagu sheegay in Islamic Solidaarity Fund (ISF) ay hore u ballan-qaadeen kaalmadan lacageed booqashadoodii ay ku imaadeen xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka bishii Febraayo 2023, si abaaraha wax looga qabto.

Guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahad-celiyay ISF iyo OIC, garab istaagga ay u muujiyaan umadda Soomaaliyeed markasta iyo marxalad waliba oo ay marayaan.

Safiir Bamba ayaa dhankiisa ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqeyn doono hay’adda SODMA oo wadda howlo aad u baaxad wayn, si Soomaaliya ay uga baxdo dhibaatada bani’aadannimo ee haysata.

Dhawaan ayay aheyd markii ay SODMA kaalmo dhaqaale oo dhan 150,000 dollar ka heshay Shiinaha, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu daad-gureynayo gargaarka la gaarsiinayo deeganada kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey, kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen abaaraha.

Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

371132221_287425030764716_70023298060362

370678575_287425220764697_55483701561114

370424517_287425294098023_84028608353091

370619282_287425634097989_75502150823741

370619977_287425717431314_56457861965501

371017946_287424790764740_10369784093355

371867138_287424834098069_63655717423158

370942132_287424880764731_63843115145083

370961734_287424934098059_16171115050665

370973198_287424980764721_54591055246189

The post ISF oo kaalmo lacageed soo gaarsiisay DF, una sameeysay ballan-qaad horleh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this