Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidanka DF oo dib uga baxay Ceeldheer, Masagaway, Galcad, Wabxo iyo Budbud

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-ciidanka.jpeg?fit=2048%2C1366&

Ceeldheer (Caasimada Online) – Saraakiisha amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay dib uga gurteen magaalooyin iyo degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Laba ka mid ah saraakiisha dawladda oo diiday in magacooda la sheego maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan hawlgallo xasaasi ah ayaa sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga soo gurteen Ceeldheer, Masagaway, Wabxo, Budbud iyo Galcad.

Mid ka mid taliyayaasha ciidamada dawladda Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ah taliyaha guutada 26-aad ayaa waraysi uu shalay galab siiyey VOA ku sheegay inay jirto “waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si tartiib ah gadaal looga baxay” sida uu hadalka u dhigay inkastoo aanu sheegin goobahaas.

Sidoo kale, sarkaal kale oo ka mid ah saraakiisha dawlada ayaa sheegay in goobaha dib looga gurtay aan dawladda dagaal looga qabsan, sidii markii horeba aanay dawladdu dagaal ugu qabsan goobahaas.

Ka sokow goobaha dib looga gurtay, ciidamada dawladda ayaa weli ku sugan magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay isku filan yihiin inay is difaacaan, waxaana uu dadka degaanka ugu baaqay inay mas’uuliyad isa saaraan, oo ay sharafkooda iyo magacooda difaacaan, dagaalka socdana aan la siyaasadayn.

Arrintan ayaa imaneysa xilli weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan, ayada oo saraakiisha amniga ay sheegeen in tani ay ku timid talo-xumada wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

The post Xog: Ciidanka DF oo dib uga baxay Ceeldheer, Masagaway, Galcad, Wabxo iyo Budbud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this