Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse oo Booqasho ku Tagaya Fadhiisinka Ciidanka ee Magaalada Oog

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse oo Booqasho ku Tagaya Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Magaalada Oog

Hargeysa(Qaran news)-ilo wareedyo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijiyay in saacadaha soo socda Madaxweyne Muuse Biixi u kicitimayo magaalada Oog, si uu ula hadlo ciidamada Qaranka oo xoogoodu iskugu yimi halkaasi, kadib dagaalkii jimcihii ka dhacay Sool.

Ilaalada madaxtooyada ayaa xilli hore oo maanta ah tagay magaalada Oog, halka madaxweynahana lagu wado inuu beri subax ku jarmaado socdaalkiisa.

Socdaalka madaxweyne Muuse Biixi ee Oog ayaa qayb ka ah dib u habeynta iyo abaabulka Ciidznka Qaranka iyo sidii looga soo kaban lahaa habacsanaantii ka muuqatay ciidanka dagakii u dambeeyay.

Warku wuxuu intaas ky daray in madaxweynuhu uu khudbado u jeedin doono ciidamada iyo saraakiishooda.

Madaxweynaha Sonaliland Muuse Biixi Cabdi oo Sabtidii toddobaadkan la kulmay madaxda mucaaridka, ayaa sheegay in Somaliland ka aarsan doonto huwanta Laascaanood, wuxuuna balan qaaday in baadhis lagu sameyn doono wixii galdaloolo ah ee soo baxay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this