Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac oo safar dhulka ah ku aaday Ceelbuur

Recommended Posts

Deeq A.   
qoor-qoor.jpg?fit=960%2C720&ssl=1

Ceelbuur (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa ku wajahan magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku tegayaan safar dhulka ah.

Kolanyo ay la socdaan labadaas masuul ayaa la sheegay in galabta ay ka soo amba-baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku wajahan magaalada Ceelbuur oo maalmo ka hor laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac ayaa galabta maqribadii ka gudbay Guriceel, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxayna Ceelbuur ka soo gelayaan dhanka Wabxo.

Ciidamo xoog leh oo isugu jira kuwa deegaanka iyo xoogga dalka oo Danab ay hoggaamineyso ayaa ku sugan Ceelbuur, ciidankaan ayaa ku guuleystay in si nabad ah ay gacanta ugu dhigaan magaalada.

Safarka Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Difaaca Qaranka wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

In Madaxweynuhu ka baaqdo safarkaas waxaa sababay tallaabo ay qaadeen ciidamadii ku sugnaa magaalooyinkaas oo sabab aan la shaacin uga baxay maanta.

Waxaa jira gadood ciidan iyo amarro is diidan oo ay marti-gelineyso wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, taasi waxay sababtay in ciidan badan lagu laayo Cowsweyn, maantana la baneeyo furimihii Ceeldheer iyo Galcad.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa isna galabta ka soo baxay degmada Aadan-Yabaal, isagoo qorsheynaya inuu ka hor tago ciidamadii soo baneeyey furimaha Galcad iyo Ceeldheer.

Howlgalka ka socda Galmudug ee Khawaarijta looga xoreynayo dalka ayaa maalmahaan wajahaya jaha-wareer xoog leh oo hadda banaanka u soo baxay, waxaana sixitaanka wixii qaldamay ku howlan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ajendihiisa koowaad ka dhigtay hoggaaminta dagaalka.

The post Xog: Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac oo safar dhulka ah ku aaday Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this