Sign in to follow this  
General Duke

Dahir Aways keep fighting as Warlord IndaCade is marganilized ..

Recommended Posts

Sh. Aweys: lama joojinayo dagaalada

25 Feb 25, 2009 - 3:15:41 AM

 

Hogaamiyaha ARS-Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wareysi siiyay Al-jazeera isagoo ku sugan dalka Eritrea ayaa sheegay in dagaalada ka socda Muqdisho aysan joogsanayn inta ay dalka ka baxayaan AMISOM.

 

Sheekh Aweys, wuxuu sheegay in dagaalada socda ay yihiin kuwo lagu doonayo in dalka looga saaro ciidamada ka socda Afrika oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kusoo duulay dalka Somalia.

 

"Dagaaladu waa soconayaa inta dalka laga saarayo AMISOM... waayo waa cadow doonaya inay dhibaateeyaan shacabkeena" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir, isagoo kooxaha Islaamiyiinta ah ugu baaqay inay dagaalada sii wadaan.

 

In ka badan 35-qof ayaa ku dhintay dagaalo ka dhacay Muqdisho 24-kii saac ee ugu dambeeyay, iyadoo ay ku dhaawacmeen 130-qof oo kale, kuwaasoo u dhexeeya kooxda Xizbul Islam iyo ciidamda dowlada oo gacan ka helaya kuwa AMISOM.

 

Aweys ayaa weeraray xukuumada cusub ee Somalia, taasoo uu hogaaminayo Sh. Shariif Sh. Axmed, isagoo ku tilmaamay xukuumada inay tahay mid loo dhisay inay la dagaalano muqaawamada.

 

"Dowlada cusub waxaa dhisay xukuumadaha reer galbeedka; qasadka laga leeyahayna waa in lagu jabiyo muqaawamada oo guulo ka gaaray dagaaladii ay la galeen cadowga" ayuu yiri Sheekh Aweys.

 

Gudoomiyaha ARS-Asmara wuxuu gaashaanka ku dhuftay go'aanadii kasoo baxay culumadii ku shiray Muqdisho, kaasoo lagu dalbay in dagaalada la joojiyo, lana dhowro inta ay dalka ka baxayaan ciidamada Afrika ka socda.

 

"Inkastoo culumadu ay dadaaleen, hadana ma ahan inay soo saaraan fadwo ku aadan in dagaalada socda... waayo dagaaladu waa kuwo isdifaacid ah, mana jirto qof aan dawo kula dagaalamayn cudurkii ku dhaca" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah madaxa Hay'ada culumada Somalia ayaa dusha ka saaran kooxda dagaalada bilowday dambiga khasaarihii dagaalkaas uu dhaliyay, isagoo sheegay inay fadwo cusub kasoo saarayaan dagaalada khasaaraha dhaliyay ee ka socda Muqdisho.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this