Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikhda aduunka madaxwaynayaashu marka ay ku fashilmaan dagaal dalkoodu ku jiray laba mid uun baa dhacda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan ku horayn taariikh yar oo kooban inta aanan bixin talo. Saddex qodob baa laba aan sooyaalka ku fiirin midna aan ugu nasteexayn MW Muuse biixi.Taariikhda aduunka madaxwaynayaashu marka ay ku fashilmaan dagaal dalkoodu ku jiray laba mid uun baa dhacda:

1) Iney is-casilaan.

Tusaalayaal;

a) Lyndon B. Johnson ayaa is casilay kadib matkii Dagaalkii Fiitnaam uu ku fashilmay sanadkii 1968

b)Amadou Toumani Touré oo ahaa madaxwaynihii Maali ayaa is-casilay sanadkii 2012 kadib markii ay dagaalo qadhaadh kaga adkaadeen jabhadda gooni-u-goosadka Toureg iyo kooxo islaamiyiin ah gobolka Galbeedka Saxaraha(Western Sahara)

c) Charles Taylor oo ahaa madaxwaynihii Laybeeriyaa ayaa lagu khasbay inuu is-casilo 2003 kadib markii uu si xun ugu guuldaraystay dagaalkii sokeeye ee labaad ee laybeeriya.

d) Robert Mugabe oo Zimbabwe mudo dheer haystay ayaa ku khasbanaaday inuu is casilo sanadkii 2017-kii markuu ku guuldaraystay dagaalkii sokeeye ee Zimbabwe

2) In la Inqilaabo.

Tusaalayaal
a) Waxaa la inqilaabay sanadkii 1979 Madaxwaynihii UGANDA Id Amiin sanadkii 1979 markiii uu ku guuldaraystay dagaalkii Uganda iyo Tanzania

b) Waxay ahayd sanadkii 2011 markii madaxwaynihii IVORY COAST ninka la yidhaa Laurent Gbagbo la inqilaabay kadib guuldaro uu kala kulmay dagaal sokeeye oo uu dalkaasi ku jiray.

c) Benito Mussolini oo Talyaaniga madaxwayne ka ahaa ayaa isna la inqilaabay sanadkii 1943 markii uu ku fashilmay dagaalkii labaad ee aduunka. Waa la xidhay Mussolini lana maxkamadeeyay oo dil lagu fuliyay.

d) Keligii Taliyihii axmaqa ahaa ee Maxamed Siyaad Barre ayaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliya ku jebiyay dagaal 1977 ee Itoobiya. Guuldararadii kadib waxaa lagu sameeyay inqilaab fashilmay markaa balse jabhaddihii ka dhashay ay afka ciida uu dareen Siyaad Barre 1991 isagoo cagaag kaga baxsaday dalka. Ilaa maanta dawlad la’aantii iyo burburkii ku dhacay Soomaaliya way ka soo waaqsan la’ dahay.

3. Tallada aan siinayo madaxwaynaha

Waxaan taariikhda lagu hayn madaxwayne ku fashilmay dagaal oo haddana isu diyaariya musharaxnimo iyo doorasho.Sidaas markay tahay guuldaradda baaxada leh ee Madaxwayne Muuse Biixii gaadhsiiyay ciidanka JSL oo cudud iyo tiro ahaanba dhisan waxaa la gudboon inuu aqbalo masuuliyadaas oo uu sameey doorasho madaxwayne iyo ururo isku sidkan oo qabsoonta December 28, 2023 taas oo ka dhigan is-casilaad si looga baaqsado qalalaase hor leh oo keena burburo laxaad leh oo inta imika ka sii balaadhan

Waxaa kale oo aan kula talinayaa inuu la saxeexdo xabadd joojin Maamulka SSC iyo Garadaada isla markaana wada-hadal ay ku jirto heshiis maxaabiis is-weydaarsi uu la sameeyo SSC. Taa macnaheedu maaha inaad ogolaato in SOOL aanay Somaliland ahayn balse waa in wada-hadal iyo nabad lagu baadi-doono gobolkaa isaga ah taas oo shalay ku seegtay maantana aad ku khasban tahay mar walbana ahayd waddada saxda ah.

Allaa Mahadle
Xamse Khayre

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this