Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka qarxay Marka iyo Wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Marka.jpg?fit=696%2C428&ssl=1

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo baqranimadii maanta ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaaladaas.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda, balse isku u abaabulan hab beeleed, kuwaas oo ku waday degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay isku qabteen muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, kadibna uu sidaas ku qarxay iska hor imaadka.

Wuxuu dagaalka xoogiisa ka dhacay dhanka xiga xeebta, sida laga arki arko muqaallo iyo sawirro laga soo qaaday goobta dagaalka, kuwaas oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ay waxyeelada soo gaartay ku jiro rayid.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan dagaalka ka dhacay Marka.

Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa lagu soo warramayaa in weli laga dareemayo magaalada, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan labada dhinac ee dagaalamay.

Marka oo ah magaallo xeebeedka, sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa daganeyd sanadihii dambe, waxayna kamid ah degmooyinka laga saaray kooxda Shabaab.

Si kastaba, ciidamada ayaa ku dagaalama inta badan Shabeelaha Hoose, waxaana u dambeeyay dagaalkii xooganaa ee dhowaan ka dhacay magaallo Baraawe ee gobolkaasi.

 

The post Dagaal culus oo ka qarxay Marka iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this