Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden “Sarraynta Caddaanku boos kuma leh Maraykanka”

Recommended Posts

Deeq A.   
biden.webp?resize=770%2C513&ssl=1

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in sarreynta caddaanka aysan meel ku laheyn dalkaasi,ka dib weerar ku saleysan cunsuriyad oo lala beegsaday dad madow ah oo ka dhacay  Florida.

“Waa inaan si cad oo xoog leh u sheegnaa in sarreynta cadaanka aysan meel ku lahayn Ameerika,” Madaxweyne Joe Biden ayaa ku yiri hadal uu soo saaray Axaddii.

Hadalada madaxweynaha ee lagu dhaleeceynayo toogashada 3 ruux oo madow ah ayaa yimid,xilli loo dabbaaldegayey munaasabadda sannad-guuradii 60-aad ee xuska

Martin Luther King oo ka tagay halkudheg caan noqday oo ahaa “Waxaan leeyahay riyo”.

Boqolaal qof ayaa isugu tagay Kaniisadda,si ay baroor-diiq ugu sameeyaan saddex qof oo Madow ah oo uu xaafadda Jacksonville ku dilay 21 caddaan ah oo lagu magacaabo Ryan Palmer .

Sadexda ruux ee la dilay ayaa kala ahaa Angela Michelle Carr, oo 52 jir aheyd, AJ Laguerre oo 19 jir ah iyo Jerrald Gallion oo 29 jir ah.

PUNTLAND POST

The post Joe Biden “Sarraynta Caddaanku boos kuma leh Maraykanka” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this