Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxa xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay go’aamadii Habarjeclo

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Irro ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay shalay soo saareen gudida beesha bariga Burco.

Waxa uu Cirro sheegay in ay xisbi ahaan iyo mushaarax ahaanba ay soo dhawaynayaan go’aamadii ay shalay ku dhawaaqeen gudida beelaha East Burco Clan waxana uu uu sheegay in guulddarada dhacday ay xukuumaddu ka masuul tahay.
Waxa uu sheegay in aan la jarin xadhiga isku xidhaaya ummadda reer Somaliland isla markaasina ay ka wada shaqaynayaan wada jirka iyo isku xidhka ummadda
Waxana uu soo jeediyay in ay cid kasta oo ay khusaysaa ay qaadato go’aankani waxana uu si qoto dheer uga hadlay midnimaada iyo wada jirka reer Somaliland.

Warka shalay ee gudigu soo saareen ayaa u dhignaa sidani hoos ku qoran

Hargeysa(Qaran)-Guddida Beesha East Burco Clan ayaa go’aamiyay in Somaliland laga qabto Doorasho isku sidkan oo ah madaxtooyo iyo Ururro wada socda 13ka Bisha November 2024.

Waxa kaloo ay go’aamiyeen in shan maalmood gudahood lagu kala diro jabhada hubaysan ee Gacan-libaax, isla markaana madaxweynuhuna cafiyo.
Qoddobada kale ee ay soo saareen waxa ka mid ah; in saddexda Xisbi ee imika jiraa ay galaan doorashada madaxtooyada.
Sidoo kale Guddida East Burco Clan waxay go’aamiyaan in beelaha West Burco Clan bixiyaan ciidankii lagu laayay Go’da yar oo laga xukumay 120 Halaad. Si gaar ah waxa konton halaad oo dheeraad ah laga xukumay sarkaalkii Maydkiisa madaxa lagaga joogsaday.

Waxa ay magtaas u qabteen in lagu bixiyo muddo 3 Bilood gudahood ah.

Guddida ergadu waxa kaloo ay go’aamiyeen in hantidii iyo basbuurtii jabhada Gacan-libaax qabsadeen lagu soo wareejiyo gacanta dawladda Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this