Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dab ka kacay suuqa magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   
dab.jpg?fit=660%2C395&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuq ku yaalla xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo dhaliyay khasaare aad u xoogan.

Dabkan oo soo bilowday xalay, soona gaaray illaa saaka ayaa saameeyay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, waxaana uu ka dhashay koronto, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Illaa dhowr goobood oo ganacsi ayaa ku basbeelay dabkan, balse ma geysan wax khasaare nafeed ah, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mid kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dabkaasi, wuxuuna sheegay in bubur xoogan uu soo gaaray goobahooda ganacsi.

“Waxaan kamid ah ganacsatada suuqa waxaa ka dhacay dab xalay, illaa saaka socday waa musiibo rabbaani ah oo Ilaahey SWT awooddiisa ah meeshaan aad arkeysaan ee uu dabka ka kacay dad badan oo hantidoodii ku waayay ayaa jiraa” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dabka uu billowday xilli saq-dhexe ah, isla-markaana ay ka maqnaayeen goobahooda, taasina ay keentay in dabka uu sii fido.

“Xilliga uu dabka kacayay annaga ma joogin oo saq-dhexe ayey aheyd dhibaato aad u balaaran ayaa meesha ka dhacday hadane waxaa soo daahay gurmad” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Jowhar ay leedahay hal baabuur oo dab damis ah, isagiina uu kasoo daahay, soona gaaray saacad kadib markii uu dabka kaacay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii uu sidaan oo kale dab xoogan uga kacay suuqa Darwiish oo ku yaalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare xoogan.

The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dab ka kacay suuqa magaalada Jowhar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this