Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabkii oo dib ugu laabanaya Laascaanood xilli aan weli laga nadiifin haraaga madaafiicda aan qarxin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693205191332.jpg?resize=720%2C53

Shacabkii ka bara-kacay colaaddii Laascaanood ayaa Todobaadkan bilaabay in ay dib ugu laabtaan magaaladoodii.

Wararka ayaa sheegaya in qoysaskii ka bara-kacay dagaalka ay hadda dib ugu laabanayaan Laascaanood kadib markii ciidamada Somaliland laga saaray Gooja-cadde.

Madaxweynaha SSC-khaatumo oo habeen ka hor shir jaraa’id ku qabtay Laascaanood ayaa shacabka ugu baaqay in aysan magaalada ku laaban inta laga nadiifinayo haraaga madaafiicdii lagu duqeeyay ee aan weli qarxin.

Madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in haraadiga madaafiicda yaalla Laascaanood ee aan weli qarxin ay khatar amni ku yihiin dadka soo laabanaya islamarkaana laga feejignaado arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Shacabkii oo dib ugu laabanaya Laascaanood xilli aan weli laga nadiifin haraaga madaafiicda aan qarxin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this