Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo saadaaliyay waxa dhici kara haddii laga adkaan waayo Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Madoobe-scaled.jpeg?fit=2560%2C170

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeediyay xirtaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranak ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka adag ee lagu jiro kooxda Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa marka hore boggaadiyay doorka madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab ee uu haatan u joogo Galmudug.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dheeraaday ka hadalka dagaalka Al-Shabaab, isaga oo saadaaliyay waxa dhici kara, haddii laga adkaan waayo kooxdaa.

Waxa uu tilmaamay in haatan hubka la wato ay u diiwaangashan yihiin dowladda, haddii uu dhab noqon waayana dagaalka uu meesha ka baxayo hubkaasi, kadibna ay fursad weyn heli doonto kooxda, isaga oo ku baaqay in loo midoobay sifeynta xoogaga Al-Shabaab.

“Haddii dagaalka Al-Shabaab sida uu yahay dhab u noqon waayo qoriga sumadda leh sidaa uma sii heysan doontaan qoriga dowladda ayaa leh wey qaadan doontaa qabiilna qori ma lahan marka ogaada dowladnimada ayaa fiican” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska dul qaadaan Al-Shabaab, si aysan ugu sii jirin gumeysi kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta waligaa lagu gumeysan lahaa waxaan qabaa in dadku inay dagaalamaan, aan ka dhabeyno oo aan garano ciidankaas dagaalka ku jiraahi waxa ay u baahan yihiin waa shacabka sideedaba shacab ayaa dagaalama” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale xusay in Al-Shabaab ay hadda sii dhammaanayaan, sidaas daraadeedna uu ku talinayo in qof kasta uu ka qayb qaato dagaalka haatan socda.

“Waxay u baahan yihiin maanta nimankaan Khawaarijta ah kacdoon shacab oo la is wada daba galo” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo uu haatan meel wanaagsan marayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay guul aad u weyn, marka la eego maamullada HirShabelle iyo Galmudug oo kooxda laga saaray dhul balaaran.

The post Axmed Madoobe oo saadaaliyay waxa dhici kara haddii laga adkaan waayo Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this