Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka hadlay mowqifkooda DAGAALKII Goojacadde

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-wadatashiga.jpg?fit=2048%2C1365&s

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka oo soo gabagabeeyey shir laba maalmood uga socday Dhuusamareeb ayaa bayaankooda ku soo daray qodobo ay kaga hadleen colaada ka taagan gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

War-murtiyeedkii golaha qeybta ku saabsan colaada Sool waxaa lagu bilaabay “Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale golaha ayaa walaac ka muujiyey colaada sii dheeraaneysa, xilli maalin ka hor ciidamada Somaliland dagaal looga qabsaday saldhiggii ugu weynaa ee Goojacadde.

“Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale golaha wadatashiga qaranka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo badqabka maxaabiista lagu kala qabsaday dagaalka.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sidoo kale ku baaqay in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee dadka ku barakacay colaada.

“Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool,” ayaa lagu yiri nuqulka bayaankii shirka Dhuusamareeb ee looga hadlay colaada u dhaxeysa Somaliland iyo Khaatumo.

 

The post Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka hadlay mowqifkooda DAGAALKII Goojacadde appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this