Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururrada siyaasada ee Gacan-saarka la leh Xukuumadda oo ka Horyimi Go’aamadii Xalka ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururrada siyaasada ee Gacan-saarka la leh Xukuumadda oo ka Horyimi Go’aamadii Xalka ahaa
IMG-20230827-WA0007.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Urur siyaasadeedyada gacan saarka leeyihiin Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa durba ka horyimid go’aamadii shacbigu ku diirsaday ee ay caawa soo saareen Guddidii ergada ee Beesha East Burco Clan ee xalka u ahaa khilaafka ka taagan dalka.

Urur siyaasadeedyada oo loo tiriyo inay la safan yihiin Xukuumadda, ayaa shir ay caawa iskugu yimaadeen waxyar kadib markii go’aankh soo baxay, waxa ay ku sheegeen in ay sharci darro tahay israacinta doorashooyinka ururrada iyo ta madaxtooyada, sidaasna waxa shaaciyay Guddoomiyaha Ururka HORSEED, Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ay hareero fadhiyeen Guddoomiyeyaasha badi urur siyaasadeedyada kale,

Waxana fadhigaas ka soo muuqday Guddoomiyeyaasha Ururrada KAAH iyo BARWAAQO, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo saraakiil kale oo ka sicday ururrada kale. Waxaanay sheegeen inay mowqifka ay ku diidan yihiin israacinta doorashooyinka ay faahfaahin doonaan beri oo Isniin ah.

Geesta kale urur siyaasadeedka WAABERI ayaa isagu soo dhaweeyay go’aamada lagu furdaaminayo khilaaafka doorashooyinka ee ay soo saareen ergadii beelaha East Burco Clan ee la xidhiidhay in la is raaciyo doorashada ururrada iyo madaxtooyada oo ay wadajir u qabsoomaan 13ka November 2024, iyadoo doorashada madaxtooyada ay geli doonaan xisbiyadii hore ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this