Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoonka Waxbarashada Sanaag oo la Shiray Dugsiyada Dawlada

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoonka Waxbarashada Sanaag oo la Shiray Dugsiyada Dawlada
IMG-20230828-WA0000.jpg
Ceerigaabo(Qaran news)- Guddoomiyaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Sanaag Axmed Maxamuud Ibrahim iyo guddoomiye ku xigeenka Ibraahim Ducaale Xuseen ayaa maanta xafiiskooda ku qaabiley maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo sarre ee magaalada Ceerigaabo.

Kulankan ayaa salka ku hayay dardar-galinta iyo kor u qaadida tayada Waxbarasho ee gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ayaa maamulayaasha faray inay xil iska saaran u qaadista adeeg bixinta waxbarasho ee dugsiyada ay masuulka ka yihiin.

Gaba-gabadii maamulayaasha ayaa balanqaaday inay xil iska saarayaan tayaynta iyo isku dubaridka adeegyada waxbarasho ee ardayda la siiyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this