Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay qabsashada saldhigii Goojacadde

Recommended Posts

Deeq A.   
Beesha-Caalamka.jpg?fit=963%2C668&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay tallaabadii ciidamada SSC-Khaatumo ay ku qabsadeen saldhiggii Goojacadde ee ciidamada Somaliland, iyadoo cambaareysay dagaalka ku sii baahaya gobolka Sool ee sababay in la iskala baxo magaalada Laascaanood oo colaadu ay ka bilaabatay.

Cambaareyn kadib, caalamku wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaada sii baaheysa, in dhinacyadu ogolaadaan wadahadal, in la fasaxo gargaarka bini’aadanimo shuruud la’aan iyo in laga fogaado is dhaafsiga hadallada xanafta leh.

Hoos ka aqriso bayaanka beesha caalamka oo dhameystiran:

Saaxiibada beesha caalamka waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah.

Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo.

Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah.

Waxaan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka.

Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya, dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha waa in lagu xalliyaa si nabad ah oo wadahadal ah.

Bayaankaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Jabuuti, Wafdiga Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

The post Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay qabsashada saldhigii Goojacadde appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this