Sign in to follow this  
Deeq A.

𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗜𝘀𝗯𝗲𝗱𝗱𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗺𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗸𝗮 𝗙𝘂𝗿𝗺𝗮𝘆

Recommended Posts

Deeq A.   

𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗜𝘀𝗯𝗲𝗱𝗱𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗺𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗸𝗮 𝗙𝘂𝗿𝗺𝗮𝘆
IMG-20230827-WA0005.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Waxaa maanta magaaladda Hargaysa ka furmay shirka Isbedelka Cimiladda, iyo Amaanka dalalka Geeska Afrika, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland.

Waxaana shirkani mudadda uu socdo lagu soo bandhigi doonaa cilmi baadhisyo la xidhiidha saamaynta xun ee isbedelka cimiladu ku yeeshay wadamadda gobolka Geeska Afrika, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa wax ka qabashadda arrintaasi.

Sidoo kale waxaa shirkani qayb ka ah oo la qaban doonaa dooddo la xidhiidha arrimaha isbedelka cimiladda, iyo iskaashiga amaanka ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo na ay ka qayb qaadanayaan aqoon yahano iyo khubarro deraasado ku sameeyay isbedelka cimiladda, iyo amaanka gobolka.

Shirkani oo ka ka qabsoomaya xarunta Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland (Academic for peace and development), ee magaaladda Hargaysa, waxaa furitaankiisii ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyo wufuud ka kala socday dalalka Geeska Afrika.

Sida Ethiopia, Kenya, Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno ka mid ah aqoon yahanka reer Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Dr. Edna Aadan Ismaaciil, guddoomiyaha xarunta Dhaqanka Hargaysa Jaamac Muuse Jaamac, Dr. Xuseen C/laahi Bulxan, safiirro ka socday dalalka Geeska Afrika, iyo cilmi baadheyaal, aqoon yahano, iyo marti sharaf kale.

Waxa kaloo shirkani ka qayb galay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, agaasimaja guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, xubno ka socday Sahan Research, khabiirro ka socday haayadaha caalamiga ah, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo furitaanka shirkani hadal la jeedisay ayaa uga mahad celisay Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta qabashadda shirkani lagaga hadlayo Isbedelka Cimiladda, Deegaanka, iyo Amaanka gobolka Geeska Afrika.

Wasiirku waxay ka warbixisay taariikhda Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland, iyo kaalintii uu ka soo qaatay hawlihii dib-u-dhiska dalka iyo dawladnimadda, isla markaana uu sameeyay cilmi baadhisyo fara badan, oo u baahan in dib loogu noqdo si looga faa’iidaysto.

“Waxaa xusid mudan in dhamaanba wixii cilmi baadhisyo ahaa ee ay dalka soo saareen APD, waa in dib loogu noqdo, oo la akhriyo. Cilmi baadhisyadda ay soo saareen APD, waa kuwo wax wax ku ool ah, waana kuwo laga faa’iidaysan karro, waana kuwo aynu siyaasadaheena ku dhisi karno.

Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dadkii sanadkan isku tacalujiyay in ay Bedka keenaan mawduuca Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda, oo ah laba aan kala maarmin. Iyagoo dadka tusay muhiimadda ay leedahay sidii aan uga gudbi lahayn dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda.
Waxa kaloo aan u mahad celinayaa Akaademiga Nabadda, iyo Horumarka, iyo haayadaha ka gacan siiyay shirkani” ayay tidhi wasiirka Deegaanku.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ku boorisay martida, iyo ka qayb galeyaasha shirka in ay maanka ku hayaan in loo midoobo wax ka qabashadda saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Waxaanay tidhi “Waaxaynu is-waydiinaynaa halkee ayaynu u soconaa marka laga hadlayo isbedelka cimiladda? Maanta (shalay) halkan waxaa isugu yimid dalalkii Geeska Afrika oo dhan. Geeska Afrika haddii uu meel isugu yimaadana, waxaa ka soo baxa wax muhiim ah.

Ethiopia, ayaa joogta, Kenya, Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, iyo marti kale. Dhamaanba martida shirkan jooga, ee dalalka Geeska Afrika ka kala yimid, isku mid ayaynu nahay, mar haday himiladeenu isku mid tahay, oo dhibaatadda inaga haysata isbedelka cimiladda ay isku mid tahay. Waana in aynu isla wada jaan-qaadnaa, waana in aynu noqonaa dad isku wada hadaf ah, oo meel u wada jeedda.

Waana in aynu qodobo wax ku ool ah ka soo saarno shirkani, oo ku saabsan wax ka qabashadda dhibaatadda inaga haysatada isbeddelka cimiladda. Ma aha oo keliya in aynu wax ka soo saarno, balse waa in aynu ku dhaqanaa wixii aynu ka soo saarno, aad iyo ayaana arrintaasi loogu baahan yahay”.

Geesta kale dudoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, oo shirkaasi furay ayaa u mahad celiyay dhamaanba ka soo qayb galayaasha shirka. Waxaanu tilmaamay in shirkani uu yahay mid muhiimadiisa leh, isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan doodaha laga jeediyo ardayda jaamacadaha dalka wax ka barta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this