Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddidii Ergada East Burco Clan oo soo Saaray Go’aamo Waaweyn

Hargeysa(Qaran)-Guddida Beesha East Burco Clan ayaa go’aamiyay in Somaliland laga qabto Doorasho isku sidkan oo ah madaxtooyo iyo Ururro wada socda 13ka Bisha November 2023.

Waxa kaloo ay go’aamiyeen in shan maalmood gudahood lagu kala diro jabhada hubaysan ee Gacan-libaax, isla markaana madaxweynuhuna cafiyo.
Qoddobada kale ee ay soo saareen waxa ka mid ah; in saddexda Xisbi ee imika jiraa ay galaan doorashada madaxtooyada.
Sidoo kale Guddida East Burco Clan waxay go’aamiyaan in beelaha West Burco Clan bixiyaan ciidankii lagu laayay Go’da yar oo laga xukumay 120 Halaad. Si gaar ah waxa konton halaad oo dheeraad ah laga xukumay sarkaalkii Maydkiisa madaxa lagaga joogsaday.

Waxa ay magtaas u qabteen in lagu bixiyo muddo 3 Bilood gudahood ah.

Guddida ergadu waxa kaloo ay go’aamiyeen in hantidii iyo basbuurtii jabhada Gacan-libaax qabsadeen lagu soo wareejiyo gacanta dawladda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this