Deeq A. Posted August 27, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta hortegay guddiyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka guddiga. Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha loogu yeeray kulan shaqo taariikhdu markay ahayd Agoosto 20, 2023, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Baarlamaanka. Kulankaan zyaa ujeedkiisu ahaa: (1) Warbixin Guud ee Wasaaradda oo dhammeystiran; (2) Warbixin Mashaariicda dalka ka socda kuwa Miisaaniyadda ku jira iyo kuwa aan ku jirin; (3) Warbixin Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka. Wasiirka iyo howl-wadeennadii la socday oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka; Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha; Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xalka Waara; Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qorsheynta; Madaxa Mashruucda Barwaaqo; iyo Madaxa Mashruuca SCRP. ayaa mid mid uga warbixiyey shaqooyinka ay Qaran u haayaan. Ugu dambeyntiina guddoomiyaha guddiga Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa soo xiray Kulanka, ayadoo loo ballamay in Wasaaradda loogu yeeri doono kulan kale oo shaqo iyo Su’aalo weydiin insha Allah. Dhinaca kale, Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta yeeshay kulankl muhiim ah, kaasi oo ay shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra Saalax Cabdi oo ay wehlinayeen, Guddoomiye Ku-xigeenka Xil. Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro) iyo Xoghayaha Xil.Maxamed Cabdoraxmaan Naddiif. Ajendaha kulanka ayaa ahaa diyaarinta warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda. Ugu horeeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yusuf Mohamed Adan oo goobjoog ahaa faah-faahin ka bixiyay qodobo kamid ah hindisahan oo ay xildhibaanada dood ka keeneen akhrintii 2-aad asigoona dul-istaagay dhammaan qodobadaas sharaxaad dheerna ka bixiyay. Intaa kadib, waxaa la guda galay diyaarinta warbixinta akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedkan, waxaana qodob qodob loo akhriyay, dhammaan Cutubyada uu ka kooban yahay Hindise-sharciyeedka. Xildhibaanada Guddiga, ayaa dood dheer iyo ka yeeshay, wax-ka-bedel qodobada qaar, ayagoona doodii Xildhinaanada ee akhrinta 2aad ay ka yeesheen talooyin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaana ay ku soo biiriyeen si waafaqsan Dastuurka KMG iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS. Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra ayaa ugu dambeyntiina ka dhawaajisay inuu hindisahan muhiimad weyn u uleeyahay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, ayna lagama maar-maan tahay, dardargelintiisa iyo ansixintiisaba. The post Sawirro: Wasiiro ka tirsan DF oo maanta hortegay BF appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites