Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta bayaanka SHIRKA Dhuusamareeb oo caawa lasoo geba-gabeynayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Madax-goboleedyada-scaled.jpeg?fit=2560%

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka oo Dhuusamareeb ka socday laba maalmood ayaa la soo gabagabeeyey caawa, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana laga soo saarayaa war-murtiyeed rasmi ah.

Madaxtooyada Qaranka ayaa qorsheyneysa in caawa fiidka hore ay baahiso bayaanka shirka, kadibna waxay madaxdu yeelaneysaa kulan casho sharaf ah oo madaxtooyada Galmudug ay u sameyneyso martida shirka.

Shirkaan waxay madaxdu diiradda ku saartay xoreynta dalka iyo xasilinta dhulka laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxda ayaa aad u gorfeysay istaraatiijiyadda dowladda dhexe ay masuulka ka tahay ee la doonayo in mudo kooban dalka looga xoreeyo Al-Shabaab.

Xogta ay shirkaan ka heyso Caasimada Online waxay sheegeysaa in markii laga soo tago amniga ay war-murtiyeedka ku jiraan qodobo uu ka mid yahay dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo SSC Khaatumo.

Madaxda ayaa diri doonta baaq ka dhan ah colaada sii xoogeysatay ee Sool ka taagan, waxayna bayaankaan ku bixi doonaan tilmaamo lagu xalin karo colaada Somaliland iyo SSC.

Inta badan bayaanka soo bixi doona caawa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga dalka, maadaama ay hadda dadka iyo dowladda Soomaaliyeed muhiimadda koowaad wada siinayaan dagaalka Al-Shabaab.

Madaxda isugu timid shirkaan ayaa berri ka dhoofi doona Dhuusamareeb, markii laga reebo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo horay u deganaa Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb ka hoggaaminaya dagaalka Al-Shabaab, taasi waxay sahashay in ciidamada qaranka ay guulo waaweyn ka soo hooyaan furimaha, iyadoo shalay kooxda laga xoreeyey magaaladii ugu weyneed ee gobollada dhexe ay ka joogeen waa Ceelbuur.

The post Xogta bayaanka SHIRKA Dhuusamareeb oo caawa lasoo geba-gabeynayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this