Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax-dhaqameedka Burco oo Baaq u Diray Beelo Walaalo ah oo ku Diriray Ceel Afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Madax-dhaqameedka Burco oo Baaq u Diray Beelo Walaalo ah oo ku Diriray Ceel Afweyn

Burco(Qaran news)- Madax-dhaqameedka gobolka Togdheer ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo dhaawac in ka badan 15 qof.
Sidoo kale Madax-dhaqameedku waxa ay sheegeen in beelaha wada daga degmada Ceel Afweyn, ay dhawr jeer shaqaaqo ku dhexmartay degaankaasi, iyada oo dhawr jeer heshiis la dhex dhigay, colaada ayaa markasta soo noq noqota, colaadan oo salka ku haysa aano qabiil.

Madax-dhaqameedkani waxa ay beelahaasi ugu baaqeen inay hubka dhigaan, isla markaana miiska wada hadalka ku soo noqdaan, waxa ay intaas raaciyeen ciddii colaada ehliga joojin weyda inay gacan bira wax kaga qaban doonaan.

Geesta kale waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhiiga sida macnodarrada ah u daadanaya, isla markanaa ay ka murugaysan yihiin dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.
Waxaaney yidhaahdeen.“Shaqaaqada Ceel Afweyn ka soo korodhay waxa aanu leenahay dhib hore ayaa dhacday, heshiisyo hore ayaa la galay, waanu idiin imanayna cidii khaldan ayaanu qabanayna waxaanu idinka codsanayna in hawshaasi gacanta lagu qabto, in la joojiyo cid danbe oo gacan qaadana aanay jirin, anaga oo mideysan ayaa ciddii gardarada joojin wayda gacan bira ayaanu wax kaga qaban doona.
Odayaasha madax-dhaqameedka iyo cidkasta oo degan Ceel Afweyn arrintan gacan bira haku qabato.
Arrintu waa kugu dhimay oo kaa dhimay guuli kuma dhex jirto, faa’ido kuma dhex jirto, danbidhaaf kuma dhex jiro, naar iyo khasaare adduunyo ayaa ku dhex jira, walaalayaal dagaalka joojiya reer Ceel Afweynow.

Xaalada Ceel Afweyn bulshada waxa ay ku noqotay fadeexad iyo ceeb wakhti badan dhextaala, intaad ILLAAHEY ka baqdaan waxa aanu idiin soojeeinayna dhibaatada aad nafihiina ku haysaan ee bulshada ku haysaan, ee waddanka ku haysaan, ALLE intaad ka baqdaan joojiya, dagaalka ehliga ah joojiya.

Dagaalka ka socda Ceel Afweyn waa kugu dhimay oo kaa dhimay, waa dad isu ehela, waa dad is dhalay, waa wiil iyo abtigii, waa inan iyo inaabtigii, aadbaanu uga xunahay haddii aanu nahay madax dhaqameedka gobolka Togdheer, waxaanu idinka codsanayna in aad xabad-joojin rasmiya sameysaan”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this