Sign in to follow this  
Deeq A.

Emmerson Mnangagwa oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha Zimbabwe

Recommended Posts

Deeq A.   
zimbabwe.webp?resize=770%2C513&ssl=1

Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystay markii labaad xilka tartankii madaxtinimo ee dalka Zimbabwe iyadoo dhinaca kale natiijadii soo baxday  ay diideen kooxaha mucaaradka.

Guddiga doorashada Zimbabwe (ZEC) ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in Mnangagwa uu  ku guuleystay 52.6 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka 44% uu helay Nelson Chamisa, oo ah musharraxa ugu weyn ee la tartamayey.

Taageerayaasha xisbiga talada haya ayaa u dabaaldegay natiijada doorashadaasi,halka Promise Mkwananzi oo ah af-hayeenka Isbaheysiga Muwaadiniinta ee Chamisa’s Coalition for Change (CCC) uu natiijada uu ku tilmaamay been abuur.

Mnangagwa Emmerson Dambudzo oo ka tirsan xisbiga ZANU-PF,waxa uu xilka kala wareegay Robert Mugabe oo sanadkii 2017-dii ay afgambi ku sameeyeen ciidamada Simbabwe,waxaana haatan madaxweynaha la doortay markii labaad horyaalla xal u helidda qalalaasaha dhaqaale ee ka jira dalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Emmerson Mnangagwa oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha Zimbabwe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this