Sign in to follow this  
Deeq A.

DANAB oo ka jawaabtay weerarkii Cowswayne ka dibna dishay Shabaab badan

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha la dhashay howlgal culus oo ay xalay ciidamada Kumaandooska Danab ka sameeyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Labi Kuus oo 60 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.

Taliyaha Ururka 5-aad ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna shaaciyay in lagu dilay ugu yaraan illaa 47 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay burburiyeen saldhigyo iyo xarumo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka ay howlgalka ka sameeyeen ciidamada Danab.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, saacado uun kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar khasaare xoogan geystay ay ku qaadeen deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud.

Mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ayaa shalay ka dhacay deegaanka Cawsweyne, waxaana ilaa hada la helin xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo la sheegay in dhimasho iyo dhaawac badan ay kasoo gaareen saraakiil iyo askar badan

Al-Shabaab oo lagu jebiyey dagaalada ka socda dalka, gaar ahaan HirShabeelle iyo Galmudug ayaa hadana wada weerarro geysta khasaare oo ciidamada ay u geystaan.

The post DANAB oo ka jawaabtay weerarkii Cowswayne ka dibna dishay Shabaab badan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this