Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Halka ay u jihaysteen SHABAAB-kii laga saaray magaalada CEELBUUR

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabab-Shabaab.jpeg?fit=960%2C585&ssl=1

Ceelbuur (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo dheer ka arriminayay magaaladaasi facaweyn ayaa xoogooda magaalada uga baxay dhanka galbeed.

Ceelbuur waxay ahayd saldhigii ugu weynaa ee ay Shabaabku ku lahaayeen bartamaha dalka, waana magaaladii ugu muhiimsaneyd ay xilligan ka haysteen Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka laga saaray Ceelbuur ay illaa xalay gaarayeen dhulka u dhaxeeya Ceelbuur, Galhareeri, Ceeldheer illaa Xarardheere.

Dhulkan ayaa lagu sheegay dhul ballaaran oo geedo iyo bacaad badan leh, waana dhul sida la sheegay ku habboon dhuumaaleysiga.

Bacaadka badan iyo buuraha yaryar ee halkaasi ku yaala ayaa la sheegaya in Shabaabka u sahleyso, in intii muddo ahba ay hakiyaan gulufka baaxadda leh ee ciidamada, sidoo kalena ay kaga dhuumaan karaan duqaymaha dhinaca cirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa ku hanjabay inaanan Shabaabka looga hari doonin goob kasta oo ay u baxsadaan.

Dadka ka faallooda arrimaha militariga waxay sheegayaan in Shabaabku ay sanadkan wajahayaan kiisii ugu adkaa, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen.

La wareegista Ceelbuur ayaa bilow wanaagsan u ah wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka maleeshiyada Shabaabka lagaga saarayo Gobolada Dhexe.

Sida uu qorshuhu yahay ciidamada ayay tahay in sidoo kale ay maleeshiyadaasi ka saaraan daanta galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wareegga xigga ee hawlgalka ayaa noqon doono kan ugu dambeeya ay ciidamadu ku wajahayaan dhulka ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay jiridda u siibi doonto Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

The post Xog: Halka ay u jihaysteen SHABAAB-kii laga saaray magaalada CEELBUUR appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this