Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeye oo si adag uga hadlay dagaalkii Goojacadde una jawaabay Xildhibaan Bidhaan

Recommended Posts

Deeq A.   
44913440745_52f7eaaa15_k.jpg?fit=2048%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye ayaa u jawaabay Xildhibaan Cabdullahi Bidhaan Warsame oo maanta sheegay inay ka guuleysteen ciidamada Somaliland oo dhowr bilood ay kula dagaalamayeen Laascaanood ilaa saldhigga weyn ee Goojacadde oo shalay soo galay gacanta xoogagga SSC Khaatumo.

Maareeye la hadlay Universal TV ayaa sheegay in dagaalka Somaliland iyo SSC uu ku dhisan yahay cadiifad iyo qabyaalad, isagoo ku tilmaamay nasiib darro weyn.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maanta uu aad ula yaabay hadalkii Xildhibaan Bidhaan Warsame oo ku faanay in lasoo xiray xuduuda dalka, isla markaana ay ciidamada SSC ka guuleysteen ciidamadii Soomaali diidka ahaa sida uu hadalka u dhigay.

“Saaxiibkey Bidhaan maanta waan la yaabay, waa intee xuduuda lasoo xirayo, yaase qabiil gaar ah u xil saaray ilaalinta xuduudaha dalka, xuduuda Soomaaliya intey ku egtahay, waxaan waxay kuu cadeynayaan in dagaalkaan uu yahay qiyaali,” ayuu yiri Maareeye.

Wuxuu intaas ku sii daray in midnimada dadka Soomaaliyeed ay masuul ka tahay dowladda federaalka, “Midnimada dalkaan anaga ayaa u taagan, waana keeni karnaa, waxaan ahay xildhibaan heer federaal ah, waana aaminsanahay midnimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Maareeye ayaa soo jeediyey in la wadahadlo, “Waxaan aad u dhaliilayaa waxgaradka Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo doorkoodii aan qaadan, in colaadaas ay wax ka abaabulaan ama ka aamusaan maahane,” ayuu yiri.

Xildhibaan Maareeye ayaa aad u amaanay Ugaaska Beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhaqankii Mogadishu Clan ee uu hoggaaminayey ee isku dayey inay colaada Laascaanood demiyaan, laakiin lagu gacan seyray.

“Heshiis iyo wadahadal ayaa wax lagu dhisi karaa, walaalahey uu Bidhaan ku jiro waxaan qabaa waxa ay rabaan in loo yeelo, waa inay xuquuqdooda helaan oo aan la qasbin, midnimadu waa imaaneysaa markaas, halkaas dadka ku dagaalamaya anigaa xildhibaan u wada ah,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye

The post Maareeye oo si adag uga hadlay dagaalkii Goojacadde una jawaabay Xildhibaan Bidhaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this