Sign in to follow this  
Deeq A.

“Arrimihii Khilaafka Siyaasiga ahaa weli wuu taagan yahay, waxase” Murrashax Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

“Arrimihii Khilaafka Siyaasiga ahaa weli wuu taagan yahay, waxase” Murrashax Cirro

Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in khilaafkii siyaasiga ahaa weli ka taagan yahay Somaliland, hase ahaatee ay xiligan loo baahan yahay in loo midoobo danaha difaaca dalka.

Murrashax Cirro iyo Cabdiqaadir Jirde oo maanta madaxweyne Muuse kulan ku wajahan dagaalkii shalay la yeeshay, ayaa ka hadlay waxyaabihii ay isla soo qaadeen.

“Waxa aan umadda iyo shacabka reer Somaliland u caddeynayaa in Arrimaha Qaranka aanu mid ka nahay oo aanu meel uga soo wada jeedno wixii khatar amniga ku yimaadda.”

Waxaanu intaas ku daray “Balse arrimihii khilaafka siyaasiga ahaa weli way taagan yihiin.”

Somaliland ayaa dhaqan siyaasiya u leh inay xiliyada adag u midoobaan mucaarid iyo muxaafidba.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this