Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa ku Dhaliil Xukuumadda in ilaa shalay aanay u Gurman Shaqaaqada Ceel-afweyn” Maxamuud Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

“Waa ku Dhaliil Xukuumadda in ilaa shalay aanay u Gurman Shaqaaqada Ceel-afweyn” Maxamuud Xaashi

Hargeysa (Qaran news)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay degmada Ceel-afweyn inay walaaloobaan oo ay meel iska dhigaan colaada.

Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in labadaas beelood cid isku dhaantaa aanay jirin, islamarkaana ay Habar-lammaan hore ula baxeen.

Guddoomiye Maxamuud Xaashi wuxuu intaas ku daray in ilaa shalay loo gurman shaqaaqada labadaas ardaa ay dhaliil ku tahay Xukuumadda Somaliland.

Waxa kaloo uu ku booriyay maamulka gobolka Sanaag iyo ka degmada Ceerigaabo inay si mug leh ugu gurmadaan shaqaaqada ka dhacday Ceel Afweyn oo ay iyagu xukumaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this