Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi iyo mucaaradka Somaliland oo hal go’aan gaaray kadib dagaalkii shalay

Recommended Posts

Deeq A.   
Somaliland.jpeg?fit=2048%2C1271&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay xubno ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo oo ku jiro musharraxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu go’aamiyay in si midnimo leh loo wajaho dagaalka Laascaanood, lana garab istaago ciidanka milatariga.

Ugu horreyn madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadalka qaatay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay jawaab rasmi ah ka bixin doonaan dagaalkii shalay oo uu jab xoogan kasoo gaaray Somaliland kadib markii laga qabsaday taliskii weynaa ee Goojacade.

Biixi ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka aargudan doonaan ciidamada huwanta ah ee ku sugan Laascaanood oo uu sheegay in dhibaato ay kasoo gaartay ciidankooda.

“Waxan u sheegayaa shacabka Somaliland in ciidanku sidiisii yahay, dhibaato way soo gaadhay lakiin xoogiisii iyo fikirkiisii, geesinimadiisii iyo dal jacaylkiisii intiiba waa sidii, inshallana dhibaatada deg deg ayaynu uga soo waaqsan doonaa oo aynu uga soo aargudan doonaa cadawga huwanta ah ee dhibaatadaasi inaga soo gaadhay” ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale wuxuu shacabka ugu haaqay in ay u midoobaan difaaca Somaliland, ayna meel uga soo wada jeedstaan wax uu ugu yeeray cadow.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay baaris ku sameyn doonaan waxa keenay guul darrada iyo khaladka dhacay, ayna guddi wasiiro iyo xildhibaano ah u saarayaan falkaas.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Waddani oo madasha ka hadlay ayaa xoojiyay hadalka Biixi ee ku aadan in loo midoobo dagaalka ka socda Laascaanood, si loo garab istaago milatarigooda.

“Waxaan u caddaynaya shacabka Somaliland in xisbiga Waddani oo aan afkiisa ku hadlayo, uu qaranka kala midaysanyahay dhamaan hawlaha qaranka iyo difaaca qaranka” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Somaliland ay lumisay xero muhiim u aheyd ciidankeeda, taas oo ah Goojacdde, waxaana si buuxda u maamulaya ciidamada deegaanka SSC-Khaatuma oo shalay hub iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigay xeradaas..

The post Muuse Biixi iyo mucaaradka Somaliland oo hal go’aan gaaray kadib dagaalkii shalay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this