Liibaan Posted September 12, 2009 CIIDAMADA ILAALADDA MADAXTOOYADA OO SHACABKII RASAAS NOOL LA DHACAY IYO XILDHIBAANO LA GARAACAY Hargeysa (Sooyaalnews) 12/09/09 :- Wararka iminka ka imanaya caasimada Haregeisa ayaa sheegaya in caasimadii Hargeisa xabadi ka dhacayso. Wararku waxa ay sheegayaan in shacab gadoodsan ay ciidamadii Madaxtooyadu ku ridayaan xabado. Ilaa iminkana waxaa ku dhintay lix dhalinyaro ah, dhaawacana ilaa iminka tiradooda lama hayo. Ilaa iminka lama soo sheegin magacyada dhalinyarada dhimatay. Waxaa kale oo Madaxweyne Riyaale dalbaday Ciidamadii Milatariga, haseyeeshee waxaa Janankii Milteragi diiday in ciidamada Milatargu aanay soo gali doonin caasimada dalka, maadaama kacdoonkani yahay mid Shacbi. Iminka waxa ay rasaastu ka dhacaysaa Kaabiyadii guriga shaqaalaha horteeda, dagaal xun ayaa meeshaas ka socda, waxana rasaasta ridaaya ciidamadii Madaxtooyada , oo gaadhay ilaa halkaas markii lala kacay Booliiskii yaryaraa oo mid waliba shan xabadood haystay, oo rasaastii ka dhammatay. Qaar dadweynaha ka mid ah shacabkii ayaa sheegay in ay Idaacadii haystaan, oo iminka ay ku gudo jiraan. Askartii ilaalinaysayna qoryihii ay ka qaadeen, oo meeshaanu ku dhex haystaan. Somaliland.Org Quote Share this post Link to post Share on other sites