Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-wadatashiga.jpg?fit=2048%2C1365&s

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa goordhow ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirkan ayaa waxaa guddoominayo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo saddex todobaad ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkan waxaa ka maqan weli madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowlada Soomaaliya oo saameyn ku yeeshay labada dhinac.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya waxaa shirkan looga hadlay amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo xasilinta deegaanadii u dambeeyay ee la xoreeyay.

“Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay furitaanka shirka magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aamiyo qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo Al-Shabaab.

Gabagabada sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan, waxyaabaha ay isla go’aamiyaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee manta ka furmay Dhuusamareeb ayaa kusoo aaday xili dowlada Federaalka Soomaaliya ay hormaro balaaran ka sameesay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab marka la eego Galmudug oo degmadii u muhiimsaneed ay kala wareegtay.

369634451_716531217184687_43123583045747 369637750_716531150518027_36008527163348 369678043_716531007184708_29235559046809 369684344_716531197184689_72336565149469 369697926_716532397184569_65972086772927 Golaha-wadatashiga.jpg?resize=696%2C464&

The post Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this