Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay furitaanka shirka Dhuusamareeb + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693037737014.jpg?fit=1079%2C720&

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Qaban-qabadii ugu dambeysay ee shirka ayaa haatan ka socda Dhuusamareeb, ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Caasimada Galmudug sidoo kale waxaa haatan ku sugan, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimaacale Madaale, kuwaas oo uu shalay magaalada kusoo dhaweeyay madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo Jubbaland, Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe  ayaa iyaguna maanta ka dagay Dhuusamareeb, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay Qoor Qoor, ayaga oo ka qaybgalaga shirweynaha gola wadatashiga qaranka.

Dhanka kale, waxaana la ogeyn in shirkaas uu ka qeyb-geli doono madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shirarkii hore ka maqnaa.

Arrimaha looga hadlayo shirkan waxaa kamid ah ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo arimo quseeya ajandayaasha heer qaran.

Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo Al-Shabaab.

Gabagabada sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan, waxyaabaha ay isla go’aamiyaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Si kastaba, Shirka golaha wadatashiga qaranka ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli haatan guullo waa weyn laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada Galmudug, waxaana shalay oo ugu dambeysay la xoreeyay magaalada Ceelbuur.

FB_IMG_1693037737014.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1693037734189.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1693037731703.jpg?resize=696%2C49 FB_IMG_1693037728345.jpg?resize=696%2C49370805746_853694119660030_50780879406136 370817924_853694252993350_67100385392519 370971786_853694086326700_72846830789787

The post Wararkii ugu dambeeyay furitaanka shirka Dhuusamareeb + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this