Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo ka falceliyay jabka Somaliland kasoo gaaray dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Cirro-iyo-Faysal.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee Somaliland, gaaar ahaan hoggaanka xisbiyada Wadani iyo UCID ayaa ka hadlay dagaalkii Jimcihii shalay ka dhacay bariga Laascaanood, kaas oo jab xoogan oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidanka Somaliland.

Musharraxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo guddoomiyaha guud ee xisbiga Faysal Cali Waraabe oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si kulul uga hadlay dagaalkaas, maadaama khasaaraha ugu badan ay kala kulantay Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro oo hadalka ku horreeyay ayaa tacsi u diray askarta ka geeriyootay Somaliland, isaga oo kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrinta maxaabiista ay gacanta ku dhigeen ciidamada SSC, isaga oo ka dalbaday inay ula macaamilaan si wanaagsan, maadaamo walaalo la yahay.

Cirro ayaa sidoo kale baaq midnimo ah u diray shacabka Somaliland, isaga oo ka dalbaday inay garab istaag u muujiyaan ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

“Waxaan shacabka Somaliland ee xariirta ah usoo jeedinaya in ay mid ahaadaan, oo ay isku duubnaadaan, oo ay ilaashadaan wadajirka qarankooda iyo ilaalinta haybadiisa” ayuu yiri musharraxa xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Dhankiisa Faysal Cali Waraabi oo isna hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda looga baahan yahay in jawaab cad ka bixiso falkaasi, ayna qaado tallaabo deg-deg ah.

Waraabe ayaa sidoo kale isna farriin u diray shacabka, wuxuuna ka codsaday inay qaataan doorkooda, ayna taageero u muujiyaan ciidamada milatariga Somaliland.

“Maanta waxa loo baahanyahay in ciidamadeena la garab istaago, dhacdooyinka baryahan socday waxaynu kaga gudbaynaa midnimo, waa in aynu kala saarnaa calanka iyo ciida iyo maamulka xun” ayuu isaguna yiri guddoomiyaha xisbiga UCID Cali Faysal Waraabe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Somaliland ay lumisay xero muhiim u aheyd ciidankeeda, taas oo ah Goojacdde, waxaana si buuxda u maamulaya ciidamada deegaanka SSC-Khaatuma oo shalay hub iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigay xeradaas..

The post Mucaaradka oo ka falceliyay jabka Somaliland kasoo gaaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this