Somali Pirate Posted January 27, 2009 what a suprise. Puntland leaders have been revealed to be a backward clannish state. When their master abdullahi yusuf ruled, it was support the TFG. What a bunch of jokers. Puntland oo digniin ka soo saartay Shirka Jabuuti Tuesday, January 27, 2009 - 11:04 AM Wasiirka warfaafinta DGPL Warsame Cabdi shirwac oo maantay shir jaraa’id ku qabtay Caasimada Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay si weyn uga soo horjeedo wadahadalka ka socda Jabuuti. Wasiirka ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in wadahadalka Jabuuti uusan aheyn mid Shacabka iyo dowlada Puntland aysan marna raali ka aheyn in sida wax loo qeybsaday aysan aheyn sida uu sheegay habkii soomaalida markii hore ku heshiisay ee 4.5. Warsame waxa uu hadalkiisa oo ahaa mid aad u kulul ayaa waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay il gaar ah ku fiiriyaan shirka Jabuuti isaga oo yiri ” Xubnaha barlamaanka Puntland uga qeyb galay beelaha ku dhaqan awood uma laha in nin Banaadir iyo gobol kale ka yimid uu soo xulo”. Wasiirka warfaafinta Puntland waxa uu sheegay in Xildhibaanada ka qeyb galay Kulanka Jabuuti ay yihiin kuwo aan matalin shacabka iyo weliba beelaha reer Puntland isaga oo hadalkiisa ku sii daray in Puntland ay ogtahay oo keliya 3 Qof oo Mucaaradka ka mid ahaa balse uu diiday in uu faahfaahiyo magacyada ay leeyihiin. Hadalka wasiirka ayaa waxa uu imanay iyada Madaxweynaha Puntand uu war qoraal ah u diray wakiilka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ee arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla kaas oo wasiirku sheegay in uusan wax faahfaahin ah ka bixin karin Hadii ay jirto jawaab iyo in kale. Dhanka kale waxaa Magaalooyinka Puntland oo dhan laga dareemayaa hadal haynta Shirka Jabuuti iyadoo Magaalada Galkacyo ay dhawaan ka dhaceen Banaan bax weyn oo lagu taageerayo go’aanka ay Maamul goboleedka Puntland ay u gaartay si wada jir ah. XOL Garowe,Puntland Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites