Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Madasha Wada-Tashiga Qaran oo ka furmaya Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693031452937.jpg?resize=720%2C48

Waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas diiaradda lagu saarayo ‘amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Argagixisada.

Madaxweynaha Galmudug oo shirkan martigelinaya ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxda ka qeybgaleysa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen R’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, guddoomiyaha gobolka Benaadir, iyo madaxweynaha Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka wado abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxaha Nabad-diidka ee ku sugan degaanno ka tirsan Galmudug.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada degaanka ayaa shalay ayaa la wareegay degmada Ceel-buur oo in muddo ah ku jirtay gacanta maleeshiyaadka Argagixisada ah waxaana weli socda Hawlgallada lagu baacsanayo kooxahaas.

The post Shirka Madasha Wada-Tashiga Qaran oo ka furmaya Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this