Deeq A. Posted August 26, 2023 Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, in aan isa-saxno oo talo & waano isa-siino waa dhaqan wanaagsan oo Islaamku noo jideeyay. Fariintan waa iga talo iyo waano ku aadan sidii dalkeenu uga bixi lahaa duruufaha adag ee maanta k uxeeran, sidaas aawadeed ugu horayn ogsoonoow, waxa aad masuul ka tahay dad, iyo dal curdin ah oo u baahan inay hogaamiye ku haga danta guud, hormar iyo ictiraaf. Shacabka reer Somaliland Mucaarid & Mucaafid, waa dad gob ah oo qarankooda jecel diyaarna u ah inay difaacaan, u hagar baxaan una hiiliyeen, ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi adigu noqo hogaamiye kasbada quluubta dadka, kuna hogaamiya halka ay himiladoodo taalo. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, mucaaridka u arag muraayad ku hartaal oo aad ka saxdo dhaliilaha uu maamulkaagu leeyahay si ay wax qurux badan u soo baxaan. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi meesha kasaar magac bixinta xajiinta ku ah bulshadeena ee sida “cadawga gudaha” iyo kuwo kale oo badan, garawsana in aanu jirin wax la yidhaa “cadawga gudaha” balse ay xaqiiqdu tahay mucaarid iyo muxaafid afkaarta iyo sida dalka loo hogaaminayo ku kala duwan. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, mid kale oo xusid mudana waxa ay tahay ahmiyada ay leeyahay “wada-tashigu” maamulkaagana ka dhig mid dadka talo waydiiya, si ay aad u hesho mid maankaaga ka maqnayd oo maskaxda muwaadin kale oo dalkiisa jecel ka soo maaxatay. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, wayo arag baad u tahay oo waad ogsoon tahay in “car juuq dheh”, cabudhin, iyo cago juglayn intaba aanay ahayd talaabooyin hormar u horseedi kara dal ay dadkiisu ilbax yihiin, loona baahan yahay in lagu badalo, tanaasul, dulqaad, iyo wada-tashi. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, maanta dalkeenu waxa uu u baahan yahay hogaamiye ka shaqaysiiya xeerarka iyo nidaamka ay umadu ku heshiisay, taladana dadka ku soo celiya, si looga baxo mushkiladaha is barkan ee maamul-xumada ka dhashay. Muuse Biixi Cabdi, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola” sidaas aawadeed, noqo mid la-tashi badan, talo-raadin badan, talo-ku noole ah, taladana ka raadsada meel kasta oo lagama maarmaan ah. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, talada ugu muhiimsan ee aan ku siinayaa maantana waa noqo mid ku dhiirada in dalka doorasho ka dhacdo oo shacabku ka taliyo xulashada hogaamiyaha ay mustaqbalkooda talo-saaranayaan. W/Q Axmed Muumin Seed Source Share this post Link to post Share on other sites