Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo digniin culus soo saaray kadib arrintii ka dhalatay xarigga Sheegow

Recommended Posts

Deeq A.   
booliska.png?fit=952%2C525&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta booliska ee gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shacabka ku dhaqan ku dhaqan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho uga digay inay dhigaan dibad-bax aan loo marin habraac saxan,

Booliska gobolka Banaadir ayaa go’aankan uu sababeeyay sababo, ammaan dartood, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay,

“Dadweynaha Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabulikarin, la qaban karin banaan-bax aan loo marin habraac saxan, sida ku cad Xeerka Nabadgalyada Guud” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale wuxuu taliska intaasi ku daray in ciddii lagu helo abaabulka dibad-bax laga qaadi doono tallaabo adag, ayna muteysan doono xarig.

“Cidii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan” ayaa mar kale lagu yiri go’aanka uu soo saaray taliska booliska.

Waxaa kale uu booliska ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah xasiloonida caasimada.

“Muwaadin qofkii arkaa wax amniga iyo xasiloonida lid ku ah, nagala soo xariir lambarka Gurmad 991” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Digniintan ayaa timid maalmo uun kadib markii ay dibad-baxyo rabshada wata ka dhasheen xarigga Jeneraal Sheegow oo weli u xiran dowladda Soomaaliya, waxaana arrintaas ka carootay beesha uu ka soo jeedo oo kacdoon ka dhigtay gudaha caasimada.

The post Booliska oo digniin culus soo saaray kadib arrintii ka dhalatay xarigga Sheegow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this