Sign in to follow this  
Deeq A.

13 qof oo ku dhintay is buurasho ka dhacday dalka Madagascar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 13 qof ayaa dhintay, oo ay ku jiraan toddoba caruur ahi, ka dib markii ay dad badani isku buurteen, garoon ku yaalla caasimadda dalka Madagascar ee Antananarivo.

Xildhibaanka oo lagu magcaabo Hanitra Razafimanantsoa ayaa u sheegay idaacad laga dhegaysto gudaha dalkaas, in tirada dadka dhaawacmay ay gaadhayaan illaa 107 qof.

Hay’adda laanqayrta cas ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay ku jiraan toddoba caruur ahi, hase ahaatee aan weli la dhamaystirin xogta khasaaraha goobta.

Ra’iisal wasaaraha Madagascar Christian Ntsay ayaa hordhac ahaan u sheegay in tirada dhimashadu ay tahay 12 iyo 80 dhaawac ah.

Is-buurashadan ayaa ka dhacday irida laga galo garoorka Barea, halkaas oo ay ku sugnaayeen illaa 50,000 oo qof oo doonayey inay ka qayb galaan xafladda furitaanka ciyaaraha dalkaas.

PUNTLAND POST

The post 13 qof oo ku dhintay is buurasho ka dhacday dalka Madagascar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this