Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-Khaatumo: uma socono dhul ka baxsan degaankeenna

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693010711471.jpg?resize=720%2C40

Golaha Sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa si kooban uga hadlay dagaalkii Sool ee lagu jebiyay ciidamada Somaliland.

Golaha sare ee SSC waxay ugu horrayn dhambaal bogaadin ah u direen ciidamada iyo shacabka SSC ee ka guulaystay Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay golaha sare ee SSC ayay sidoo kale ku sheegeen in aysan u socon dhul ka baxsan degaannadooda.

“Waxa aan caddaynaynaa in aanan degaan iyo dad kale toona duullaan ku ahayn” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay golaha sare ee dhaqanka SSC.

SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha kala duwan in ay gurmad deg deg ah soo gaarsiiyaan shacabka ku tabaalaysan degaannada SSC.

FB_IMG_1693009650383.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post SSC-Khaatumo: uma socono dhul ka baxsan degaankeenna appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this