Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo Madaxweynaha Ugu Baaqay inuu dadweynaha la Hadlo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo Madaxweynaha Ugu Baaqay inuu dadweynaha la Hadlo

Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu la hadlo dadweynaha Somaliland.

Sidaasna waxa xisbigu ku sheegay war uu caawa baahiyay Xoghayaha Warfaafinta WADDANI, Maxamuud Aadan Jaamac Galaal.

“Muuse ha hadlo oo Qaranka ha la hadlo. Maanta oo kale waxa uu ku khasban yahay in uu hor yimaaddo oo la hadlo Shacab weynaha JSL. Haddii uu waajibkaa ka dhuunto waxaan farayaa warbaahinta iyo qaybaha kale ee bulshada in ay baafiyaan,”ayuu ku yidhi Mr. Galaal qoraal uu ku baahiyay degelka warbaahinta Xisbiga WADDANI.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this