Laba-X Posted June 22, 2008 Amidst the clutter of the cutlery behind the counter, the whistle of the coffee machine and the hubbub of discordant sounds that dinned the environment, the SoLers sat unperturbed in the far corner, sipping their beverages. It is the café, they usually frequented after their days have dimmed. Flipping through the Kasmo Newspaper, Kashafa began… Kashafa: Rag baa tegey dorraad galab [from Europe to Mogadishu] Xiin: Rag baa weli ka diimmoon Baashi: [wiping his spectacles] Rag baan dayrtan iman karin Isseh: Somaliya gumeystihii jartaa degay Dibaddana ka joogsadey Da.badhi.lif adeegsaday Darxumadiyo hooga Wuu ku diirsanayaa Laba-X: Soomaaliyey wax kuu daran Iyo wax dantaada ah Haysku darine kala daa Qalbigaaga daahiri Damiirkiinna weheshada Dawga toosan wada mara Dawankana isku afgaro Baashi: Doodaydu waxey tahay Dacar iyo dhunkaal baa Dacar qaar u keenee seeftaada danantiyo dumbuqaaga qaadoo dagaal cudurku yuu gelin Emperor: Waxaa lagu durqumayaa dibbir iyo nin naaxiyo inta qaranku deyn iyo dembi uu ku leeyahay adinkuuna dulqaatoo docdayda aan qeexee Dooddaydu waa Qaran Kashafa: Alshabaab waakan daacad ah Dalka iyo dadkiisaba Labadaba u daahir ah Bulshada xumaha uga diga Daw san u horsed taga Dufan lays marmariyiyo Lacagi aaney daadihin Weheshada dadkii hore (rasuulki iyo asxaabti) Dariiqey banneeyeen (Jihad) Yaan dib looga soo noqon Xiin: Difaaceeda qarannimo Aan u qaato duubkoo Darmaan Xiinfiniin dhalay Aan u fuulo dooyaada Boogaha na daashaday Danyartoo midowdiyo Ficil baa u dawo ah Laba-X: Waxa iga dardaaran ah Dani waa halkeedee Daq kastoo laduugaa Waa kii dillaacee Dareenkeenu waa meel Hadaad diir naxaysaan Dagaalkii la galay iyo Dalkii aan xorayniyo Gobanimo-u-dirirkiyo Dakanada Amxaarada Dadka maad u sheegtaan? The corpulent General Duke who sat befuddled beside Baashi pushes his chair and stamps the floor in anger. Isseh: Ninka duday habeenimo Gafuurkaa ku daaliye Dad muxuu ka dhimayaa Laba-X: Dood waliba baanteed Baashi: Duq waliba garaadkii Xiin: Nin dan lihi ujeedadii Kashafa: Dab waliba kulaykii [naarta] Isseh: Nin dudiyo gafuurkii [to General] Laba-X: Maad ka deysid boogaha Haka qaadin diirkee [to Isseh] Kashafa: Maxaad carrabka dalabta leh Ugu dedi subeeciyad? [to Baashi] Baashi: Maxaad isugu daahirin Dad waa ku wada yaqaane [to kashafa] …To be continued Quote Share this post Link to post Share on other sites