Sign in to follow this  
Deeq A.

Murrashax Cirro oo ku Baaqay Shir Talo Qaran, kana Hadlay Dagaalkii maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Murrashax Cirro oo ku Baaqay Shir Talo Qaran, kana Hadlay Dagaalkii maanta

Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ugu baaqay shacbiga Somaliland inay midoobaan.

Murrashax Cirro oo caawa hadlay, wuxuu tacsi u diray qoysaska askartii maanta Somaliland kaga dhimatay dagaalka, waxaanu kuwii ku dhaawacmayna EEBE uga baryay inuu shaafiyo.

“Maanta maaha maalintii la is eedaynayay ee mucaarad iyo muxaafad loo kala baxayay waa in shacbiga Somaliland midnimo iyo wada jir muujin lahaa,”ayuu yidhi Murrashax Cirro.

Waxa kaloo uu ciidanka Qaranka ku booriyay midnimo, ismaqal iyo inay kala dambeyntoodu tahay hantida ugu qaalisan ee ay u hibeyn karaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro wuxuu soo jeediyay in maxaabiistii la qabtay ka dhawro sida sharcigu dhigayo caalamiga ahi.

Waxa kaloo uu sheegay in xabad joijin degdeg ah laga sameeyo dagaal uu tilmaamay inuu dhexmaray labada beelood ee Walaalaha ah ee halkaas wada dega.

Murrashax Cabdiraxmaan Cirro wuxuu soo jeediyay shir tallo qaran ah in la iskugu yimaado, maadaana oo la arkay dhibatada wada tashi la’aanta iyo isku joojin la’aanta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this