Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada Gacanlibaax oo Kaxaysatay Gaadhigii Taliyaha Qaybta Booliska Daad-madhedh

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhada Gacanlibaax oo Kaxaysatay Gaadhigii Taliyaha Qaybta Booliska Daad-madhedh

Oodweyne(Qaran news)- Jabhada Buurta Gaca-libaax ayaa weerar ay galabta ku qaadeen magaalada Oodweyne waxay ku kaxaysteen gaadhigii Takuyaha Qaybta Booliska oo saldhiga magaalada yaalay.

Waxa la sheegay in ciidanka Booliska Oodweyne ay awooda saareen baanka magaalada ay uga difaacaan jabhadaas, hase ahaatee waxa la xaqiijiyay in wax khasaare ahi halkaas ka dhicin, marka laga reebo in magaalada rasaas badan laga maqlay, kadibna waxay dableydii jabhada Gacan-libaax kaxaysteen baauurkii taliyaha Qaybta Booliska kadibna waxay ku noqdeen fadhiisinkii ay ka soo duulleen.

Dadweynaha magaalada ayaa iskugu soo baxay kuwaasi iskugu jiray qaar taageersan jabhadaas iyo qaar ka soo horjeeda oo diidan in amni darro ka dhacdo gobolkooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this