Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Golaha Wadatashiga Qaranka oo shir deg deg ah isugu imaanaya + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Madax-goboleedyada-iyo-madaxda-DF.jpeg?f

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Shirka 7-aad ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo la isku yiraahdo ‘Madasha Wadatashiga Qaranka’ ayaa saacadaha soo socda ka furmaya magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa noqday hoggaamiyaha ugu soo horeeya madax goboleedyada ee Dhuusamareeb u tegay ka qeyb galka shirkaas.

Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa inay Dhuusamareeb soo garaan madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo HirShabeelle, waxaana la ogeyn in shirkaan uu ka soo qeyb geli doono madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shirarkii hore ka maqnaa.

Inkastoo aan la shaacin goorta uu furmayo shirkaas iyo ajendaha looga hadlayo toona, hadana xogta ay heyso Caasimada Online waxay sheegeysaa in xoogga la saari doono qorshaha qaran ee dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre galabta soo gaaraya Dhuusamareeb, si uu uga qeyb galo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre galabta ku wajahan Dhuusamareeb, si uu uga qeyb galo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad ayaa horay ugu sugnaa Dhuusamareeb oo xudun u noqotay qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo argagixisada.

Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee Galmudug ka socda ayaa hadda meel xasaasi ah maraya, waxayna ciidamada xoogga dalka kaabiga ku hayaan degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, halkaas oo lagu wado in saacadaha soo socda ay gudaha u galaan.

The post Xog: Golaha Wadatashiga Qaranka oo shir deg deg ah isugu imaanaya + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this